Deeq Lacag ah Gaadhsiiyay Masaajidka Al-Nuur ee Dhahar

July 7, 2011

Jamciyada Al-Falaax oo Deeq Lacag ah Gaadhsiisay Masaajidka Al-Nuur ee Dhahar.

Jamciyada Al-Falaax oo ah Jamciyad Khayri ah isla markaana u Ololaysa Arimaha dayac tirka Masaajidada iyo Iskuulada Quraanka Lagu Barto ayaa dhawaan Deeq Lacag ah oo dhan 1500, oo Doolar Gaadhsiiyay Gudiga gacanta ku haysa Dhismaha Masaajidka Magaalada Dhahar.

War-Murtiyeed Lagu daabacay Bogga Jamciyada ee Al-Falaax.com ayaa lagu sheegay in deeqdaasi ay gaadhsiiyeen Saalax Maxamed Nuur oo ah Dadka Gacanta ku hayay Dhamaystirka Masaajidka Al-Nuur ee Deegaanka Dhahar.

Waxay Jamciyadu Sheegtay in deeqdaasi ay ka soo Uruuriyeen Walaalaha Muslimiinta ah ee Jecel Khayrka isla markaana gacan ka Siiyay sidii loo Baahi Tiri lahaa Goobaha Lagu Barto Quraanka Alle iyo Masaajidka.

Jamcyada Al-Falaax waxa sidoo kale xustay inay dhamaan dadka Khayrka Jecel ugu baaqayso sidii looga qayb qaadan Lahaa Dhismayaasha Goobaha Quraanka Lagu Barto iyo Masaajidada.

Al-Falaax waa Urur ka Madax banaan Dawlada’Hay’aadd ama Koox Siyaasadeed waxana uu inta badan u Olalayaa dhismayaasha Masaajidada iyo Malcaamahada Quraanka in La Dayac Tiro.

Dhawaan ayay Taakulo Gaadhsiiyeen Masaajidka Magaalada Laasqoray kaasi oo ahaa Kutub Adeegyo kale oo Masaajidka Laasqoray aad ugu baahnaa.

**Halka fiirso sawirada dayactirka ka dib**

Alfalaax Links