About Us
Ku walaaha gacanta ku haya dacwada Sanaag. Ilaahay ha idinka abaalmariyo wanaagaas aad waddaan. Ilaahayna ha idiinku daro miissaankiina wanaagsan- qiyaamaha. Waxaad qaadeen mas’uuliyad wayn iyadoo aysan jirin wax maalgelin ah si uu camalkiina u hirgalo.
Waxaan dareemnay haddi aan nahay bahda Al-Falaax in ay tahay waajib na saaran kor u qaadida muujinta, ka warbixinta camalka wanaagsan ee ka socda wadankeenii, kaas oo qayb muhiima ka ah, waxna ka qabano dhibkaas sida gargaarka oo yar iyo musaacadaadka oo aan joogta ahayn.
Sidaas daraadeed waxaa waajib nagu ah in aan uruurino awoodeena oo dhan sidii aan u garab istaagi lahayn walaaleheena. Anaga oo arintaas ka duulihayna waxan ka codsanayna dhamaan walaalaha qurba joogta ah iyo kuwa wadanka gudihiisaba in ay garab istaagaan walaalaha dacwada ka wada gobolka Sanaag. Waana in aanay la bakhaylin taageerada,( xolo kuma yaraadan Sadaqo (NSCW).
Waxaa muhiim ah oo kale in gargaarka toos loogu diro hadii la awoodi karo ama fikrado aad noo soo gudbisaan sida gargaarkaas loo gaarsiin laha walaaleheen dacwada gacanta ku haya.
Xadiis: Ilaahayba adonka kaalmihisa ah inta uu u taaganyahay kaalmaha walaalkiis.