News
War degdeg ah ee Masjidka magaalada Ceelaayo
Warbixin cusub oo naga soo gaarey maamulka masjidka Ceelaayo oo ka Qayla dhaaminaya Dayac Tiri uu u baahan yahay Masaaajidkaasi.
Sida ku Cad Sawiro laga soo qaaday masaajidka waxa ka Muuqata Baahiyo Guud sida dhimayaasha Bur Bur ka Muudo.
Sawiradan ka fiirsada dayactirka Masjidka uu u baahanyahay.
Qofkii taageera dhaqaaleed doonaya in uu ku sadaqeesto masjidka dayactirkiiska fadlan hala xiriiro
Sheikh Saalax Maxamed Nuur 0025290-785859
—————————————————————————–
Masaajidka Al-Noor ee Badhan oo gargaar degdeg ah u baahan.
Warbixin cusub oo naga soo gaarey maamulka masjidka Al-Noor oo ka Qayla dhaaminaya Dayac Tiri uu u baahan yahay Masaaajidkaasi Jaamaca ee Badhan.
Sida ku Cad Sawiro laga soo qaaday masaajidka waxa ka Muuqata Baahiyo Guud sida dhimayaasha Bur Bur ka Muudo.
1- Bur Bur dhanka saqafka Sare ah taasi oo Sahlikarta in Roobku Gudaha u soo Galo Masaajidka
2- Dayac Tir La’aan ka Muuqata Gudaha Dhismayaasha Masaajida sida Albaabada daaqadaha iyo Tiirarka Dhismaha ee masaajidka Al-Noor.
3- Dhismaha Masaajidka oo Meel Cidhiidh ah ka Dhisan hadii ay Suura Gal Noqonayso waa Muhiim in Goob Loo iibiyo sida ku Cad Warbixinaha Masaajidka
Qofkii taageera dhaqaaleed doonaya in uu ku sadaqeesto masjidka dayactirkiiska fadlan hala xiriiro
Sheikh Maxamuud Maxamed Cumar tel 0025290799886 Dahabshiil.
—————————————————————————–
Jamciyada Al-Falaax oo ah Mid Khayri ah ayaa Kutub iyo Timir ka Qaybisay Deegaano Sanaag ka mid ah
Jamciyada Al-Falaax ayaa Deeq Timira ah Gaadhsiisay Agoon ku sogaan Badhan,Sidoo kale Jamciyada ayaa Qaybisay Kutub quraan Masaajidka Al-Nuur Badhan Waxana Deeqdaasi Timirta iyo y Kutubta Quranka ah Soo Dhiibay Walalaaha Khayrka Jecel ee Ku Nool i Emartka kuwaasi oo soo Mariyay Jamciyada AL-Falaax.
Dhahar Sheikh Saalax Maxamed Nuur 0025290-78585
Laasqoray Sheikh Mohamed Said Xaaji tel 0025290764058.
—————————————————————————–
Jamciyada Al-Falaax oo Deeq Lacag ah Gaadhsiisay Masaajidka Al-Nuur ee Dhahar.
Jamciyada Al-Falaax oo ah Jamciyad Khayri ah isla markaana u Ololaysa Arimaha dayac tirka Masaajidada iyo Iskuulada Quraanka Lagu Barto ayaa dhawaan Deeq Lacag ah oo dhan 1500, oo Doolar Gaadhsiiyay Gudiga gacanta ku haysa Dhismaha Masaajidka Magaalada Dhahar.
War-Murtiyeed Lagu daabacay Bogga Jamciyada ee Al-Falaax.com ayaa lagu sheegay in deeqdaasi ay gaadhsiiyeen Saalax Maxamed Nuur oo ah Dadka Gacanta ku hayay Dhamaystirka Masaajidka Al-Nuur ee Deegaanka Dhahar.
Waxay Jamciyadu Sheegtay in deeqdaasi ay ka soo Uruuriyeen Walaalaha Muslimiinta ah ee Jecel Khayrka isla markaana gacan ka Siiyay sidii loo Baahi Tiri lahaa Goobaha Lagu Barto Quraanka Alle iyo Masaajidka.
Jamcyada Al-Falaax waxa sidoo kale xustay inay dhamaan dadka Khayrka Jecel ugu baaqayso sidii looga qayb qaadan Lahaa Dhismayaasha Goobaha Quraanka Lagu Barto iyo Masaajidada.
Al-Falaax waa Urur ka Madax banaan Dawlada’Hay’aadd ama Koox Siyaasadeed waxana uu inta badan u Olalayaa dhismayaasha Masaajidada iyo Malcaamahada Quraanka in La Dayac Tiro.
Dhawaan ayay Taakulo Gaadhsiiyeen Masaajidka Magaalada Laasqoray kaasi oo ahaa Kutub Adeegyo kale oo Masaajidka Laasqoray aad ugu baahnaa.
**Halka fiirso sawirada dayactirka ka dib**
————————————————————————————————
Alfalaax oo caawinaadi ugu horeesey ka qabtay Masjidka Al Nor ee Las qoray
Kaalmo dhaqaale ee ku dee qeen walaalo muslim ah ayaa musqul iyo 50 kutub ee quraanka kariimka ah iyo mushamac cusub lo dhigay masjidka.
Waxaan ka rajeeneynaa walaalaha muslimka oo meel walba jooga in naga caawinaan hawlaha laga wado masjidyada iyo malcaamadaha.
Ilaahay waxaan ka baryeyna in dadkii nala shaqeeyey iyo dadka nagu deeqey dhaqaalaha aan shaqada ku qabanay in ilahhay miisaanka xasanaadka u saaro maalinta akhira (Amin).
Halkan ka fiirso sawirada masjidka, nimanka shaqada ka qabtay iyo waxa laga bedeley iyo lagu kordhiyay.
Waxaan ka codsaneyna dadka qorba joogta oo reer laas qoray ah inay caawinaad joogta ah ay uga deeqaan masjidka iyo malcaamada laas qoray.
Waxaad kala xiriiri kartan Sheikh Mohamed Said Xaaji ee magaalada Laas qoray Numberka 0025290764058